Xulka Kubadda Koleyga Soomaaliya oo Kenya kaga badiyey 81 - 78
Xulka kubbada kolayga ee wiilasha Soomaaliya ayaa ka badiyay xulka kubbada koleyga ee Kenya cayaaraha isreebreebka koobka Qaramada Afrika ee kubada kolayga ee FIBA Africa Zone 5 oo ka dhacaya dalka Tanzania,
Ciyaartan ayaa xulka kubbada koleyga Soomaaliya waxa ay ugaga guuleysteen xulka Kenya 81-78 dhibcood.
Koobkan FIBA Africa Zone 5 oo xulkii ku guuleysta uu u soo baxayo kama danbeysta koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga ayaa waxaa Somaaliya ay ku jirtaa Group B iyadoo ay kula wehliyaan xulalka Kenya iyo Burundi.
Guud ahaan ciyaaryahanadii u safnaa xulka Soomaaliya ayaa muujiyey ciyaar aad u wanaagsan iyadoo inta badan xulka Kenya la hogaaminayay ciyaarta illaa ay ka dhamaato.
Labada xiddig ee Soomaaliya Abdi Axmed iyo Feysal Jamac ayaa ahaa xiddigihii ugu cadcadaa dalkeena Soomaaliya iyadoo Abdi uu dhaliyay 26 dhibcood oo ah dhibcihii ugu badnaa ciyaarta ee uu hal ciyaaryahan dhaliyo, halka Feysalna uu dhaliyay 20 dhibcood.
Somalia ayaa arbacada waxa ay la ciyaari doontaa Burundi kulankooda ugu danbeeya ee Group B taasoo kala cadeyn doonta ciddii u gudbeysa wareega xiga.
Add New Comment
|
|
|