Ciidamada Ethiopia oo maanta si rasmi ah ugu soo biiray howlgallada AMISOM
Ciidamada dalka Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala goobo kala duwan oo ka tirsan gobollada koonfureed ee dalka.
Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa lagu shaaciyay in saddex batalyan oo ka tirsan ciidamada Ethiopiaay ay ka howlgeli doonaan gobollada koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya ayaga oo qayb ka ah ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee dagaallada kala soo horjeeda dagaalyahannada nabadda u diiday Soomaaliya ee Al-Shabaab.
War saxaafadeed ay soo saareen taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada dalka Ethiopia ay laga billaabo maanta si rasmi ah uga mid noqdeen howlgallada ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ka qayb qaadan doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si toos ah maanta uga mid noqdeen howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo ka qeyb qaadanaya howl galada loogu jiro Al-Shabaab.
Taliska AMISOM iyo ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maalmahan dambe lagu soo warramayey in ay isu diyaarinayaan duulaan ballaaran oo ay gobollada dalka Soomaaliya uga saarayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.
Add New Comment
|
|
|