Dowlada Talyaaniga soo dhaweysay golaha wasiirada ee ay ansixiyeen baarlamaanka


Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga Emma Bonino ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Talyaaniga ay soo dhaweyneyso ansixintii baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel mariyay barnaamijka Xukuumadda cusub, waxaana ay intaa ku dartay inay gacan ka geysan doonaan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan soo dhaweyneynaa Xukuumadda R/wasaare C/weli oo heshay aqlibiyadda baarlamaanka, waxaan cadeyneynaa in aan la shaqeyneyno Madaxda dalka si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida ay Soomaali lahaan jirtay, tani waa bilow oo dhanka xasiloonida ku soo dabaalayso” ayay tiri Emma Bonino.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga Emma Bonino ayaa xustay in Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed looga baahanyahay inay dar dargeliyaan xoojinta amniga iyo wadahadalada gobollada si loo dhiso nidaam federaaal ah oo damaanad qaadaya ilaalinta xaquuqda aadanaha oo dhameystiran.

“Dowladda Talyaaniga oo ka mid ah wadamada ku jira Midowga Yurub waxay sii wadaysaa taageerada ku aadan Xukuumadda cusub, si ay u soo laabato xasilooni waarta oo ka dhalata geyiga Soomaaliya” ayay tiri Emma Bonino.


Add New Comment