Fadhiga aan caadiga aheyn kalfadhigiisa saddexaad ee maanta oo Ajendihiisu ahaa, munaasabadda dhaarinta Wasiirrada cusub ee Xukuumadda iyo xeritaanka Kalfadhiga saddexaad ee Barlamaanka Soomaaliya.
Munaasibadda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, Mudane Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo kulankaasi aan caadiga aheynna uu shir guddoominayey, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Guddoomiyaha Barlamaanka oo ay wehliyeen labadiisa ku ku xigeen, iyadoo lagu qabtay xaurnta golaha shacabka Soomaaliya ee Muqdisho.
Qeybta hore ee munaasibadda ayaa lagu dhaariyey xubnaha golaha wasiirrada oo ka kooban wasiirro, wasiiru-dowlayaal iyo wasiir ku-xigeenno oo intaoo badan dhaarinta ka soo qeybgalay, halkan xubno ka mid ahna ay ka maqnaanaayeen madashada, laakin Mudaneyaasha Barlamaanka ayaa u codeeyey in xubnaha maqan si shaqadooda ay u gutaan uu dhaariyo Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya, hasa yeeshee wasiirrada waxaa dhaariyey, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf.
Qeynta Labaad ee fadhiga labaad ee aan caadiga aheyn ee xeritaanka Kalfadhiga saddexaad ee Golaha shacabka Soomaaliya, ayaa waxaa khubad mahadcelin ah ka jeediyey Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo sheegay in fasaxa Barlamaanka Soomaaliya kaddib Xukuumadda ay soo gudbin doonto howlqabadkeeda mudada ay shaqeysay, waxa uuna markale u mahadceliyey dhammaan Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaailyeed.
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa jeediyey hadal jeedinta munaasibadda xeritaanka kaldhiga sadexaad, waxa uu ka hadlay dhammaan Waxqabadkii sannadkii 2013-ka ee Barlamaanka, isbaddelladii Siyaasadeed ee waddanka ka dhacay, waxa uuna tilmaamay in Barlamaanka Hiigsanayo howlqabad ka ballaarin midkii hore, isgaoo ugu duceeyey dhammaan xubnaha Barlamaanka iyo Xukuumadda cusub in uu Alle la garab galo howsha adag ee horyaalla.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u soo gunaanuday xeritaanka Kalfadhiga saddexaad ee golaha shacabka, dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka, waxa uu soo hadal qaaday wada hadallada u socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo uu xusay in saddexdii billoodba mar ay dhici doonaan, waxa uu u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland iyo sidoo kale hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba oo dhisay xubnaha maamulka ka harsanaa dhawaan, ugu dambeyntii ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay in Kalfadhiga saddexaad ee Barlamaanka uu xiranyahay.
Barlamaanka oo maanta Kulan caadi ah yeeshay sidoo kale waxa ay dib u dhigeen Hindiseyaal u baahnaa Ansixin oo ay ka mid ahaayeen Sharciga Kalluumeysiga, hey’adda Daraasaadka Badda iyo Heshiiska Shirkadda.FAVORI ee waddanka Turkiga lala galay.