Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday ayaa habeenimadii xalay gaaray magaalada Riyadh ee xarunta Boqortooyada Sacuudiga, kaddib markii ay u soo dhamaatay booqasho rasmi ah oo qaadatay dhowr maalmood oo ay ku gaareen waddanka Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa waxa ay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga u tageen in ay kaga qayb galaan shirka madaxda Jaamacadda Carabta uga furmaya magaala madaxda dalkaasi.
Shirkan madaxda Jaamacadda Carabta uga furmaya magaalada Riyadh ayaa lagaga hadli doonaa sidii dalalka Carbeed ee hodanka ah ay u maalgashan lahaayeen dalalka kale ee Carbeed ee uu dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwaasoo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay magaalada Riyadh kula kulmi doonaan qaar ka mid ah madaxda Carbeed ee kulanka ka soo qaybgali doonta oo uu ugu horreeyo boqorka dalka Sacuudiga boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis.