Maamulka Puntland oo soo dhoweeyey aqoonsiga Mareykanka ee dowladda Soomaaliya


Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay aqoonsiga ay dowladda Mareykanku aqoonsatay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib booqasho uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in go’aanka uu Maraykanka ku aqoonsaday dowladda Soomaaliya ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horumarinaysa xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Puntland waxay sheegtay inay door wayn ka qaadatay inay Soomaaliya ka baxdo KMG-nimadii iyo geeddi-socodkii nabadda.

Maamulka Puntland waxay Maraykanka iyo waddadama kale ku boorrisay inay sii wadaan taageerada Soomaaliya ee arrimaha nabadda, gargaarka bini’aadannimo, dowlad-wanaagga iyo kobcinta dhaqaalaha.


Add New Comment