Kulanka baarlamaanka maanta oo ahaa kalfadhiga saddexaad fadhigiisa 57aad oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayuu furitaankii kulanka guddoomiyuhu isagoo ku hadlaya magaca baarlamaanka uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xasan Sheekh Ibraahim oo ka mid ahaa qareennada Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, iyadoo isla kulanka lagu dhaariyay xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Dr Maxamed Aadan Waaberi.
Guddoomiha Barlamaanka ayaa Xildhibaannada u jeediyey in marka hore loo qeybiyo barnaamijka Xukuumadda cusub ayna ku soo heystaan muddo afar iyo laatan saac ah, si ay u soo akhriyaan kaddibn maalinta xigta ay uga doodeen, iyadoo coddeynta Kalsooni siinta Xukuumadduna ay noqon doonto maalinta Arbacada, waxa uu sidoo kale guddoonka sheegay in Guddi Guddi ay uga soo baaraan deggaan Barmaamijka Xukuumadda.
Xildhibaannada Barlamaanka intoo badan ayaa soo jeediyey in qof qof ay u soo arkhriyaan Barnaamijka Xukuumadda ay soo gudbisay kaddib doodda loo gudbo.
Guddoomiyaha Golsha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa aqbalay hadal soo jeedinta Xildhibaannada Barlamaanka ee ah in qof qof loo soo darso barnaamijka Xukuumadda, waxaana laga doodaya maalinta berito ah, iyadoo maalinta xigta oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha codka kalsoonid siinta loo qaadi doono Xukuumadda iyo Barmaanijka ay soo gudbisay.
Barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta Arbacada si rasmi ah u soo gabagabeynaya kalfadhiga Saddexaad, haddii ay kalsooni siiyaan Xukuumadda uu Ra’iisul wasaaraha Soomaailya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed soo dhisay 17-kii bishaan, laakin waxaa laga war dhowrayaa sida ay ugu qancaan xildhibaannada Golaha shacabka Barmaamijka loo qeybiyey maanta.