Wasiirka arrmiha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Khartuum ee
xarunta dalka Suudaan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi wax ayna isku
afgarteen arrimo ay ka midyihiin tababaro loo fidinayo ciidamada Booliska
Soomaaliya iyo maamulada gobollada dalka.
C/kariim Xuseen Guuleed wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka
xukuumadda Soomaaliya oo socdaal shaqo ku joogo dalka Suudaan ayaa magaalada
Khartuum kulan kula yeeshay dhigiisa dalkaasi iyagoo ka wada hadlay sidii ay
dowladda Suudaan gacan uga geysan laheyd hormarinta ciidamada booliska
Soomaaliya iyo sidii tababar loo siin lahaa.
Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhigiisa dalka Suudaan
ay ka wada hadleen sidii ay tababaro u siin lahaayeen saraakiisha booliska,
ciidamada, waaxda hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha iyo sidii ay dowladda
Suudaan gacan weyn uga geysan lahaayeen tababar loo fidinayo ciidamo gaar ah
kuwaas oo loogu talagalay in ay si gaar ah u sugaan amaanka magaalada
Muqdisho.
Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhigiisa dalkaasi ay ka wada
hadleen sidii loo sii ambaqaadi lahaa heshiisyo hore iyo kuwo cusub oo lagu soo
kordhinayo kii hore, isagoona xusay in kulanka uu ku soo dhamaaday guul iyo is
afgarada.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha
Soomaaliya kuwaas oo mudo laba maalin ah socdaal ku joogo dalka Suudaan.