Kulan muhiim u ah dib u ammaanka iyo dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee
Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayadoo kulankaasi
oo ay soo qaban qaabisay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa waxaa ka
qeybgalay wufuud ka kala socotay Soomaaliya,urur goboleedka IGAD,Midowga
Afrika,Midowga Yurub,QM iyo Dowladda shirkan soo qaban qaabisay ee Turkiga.
Shirkan waxaa dhanka Soomaaliya uga qeybgalay wufdi uu hogaaminayo Wasiirka
Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayadoo
wafdigaasina ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Mudane Jamaal Baroow iyo xubno kale.
Shirkan oo socday mudo hal maalin ah oo aheyd 18-January ayaa waxaa inta uu
socday lasoo hordhigay oo ay ka qeybgalayaashana ay isla qaada dhigeen qorshe ay
wadajir usoo diyaariyeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo qorshahaasina
uu la xiriiro in Seddexda sano ee soo socota Soomaaliya loo dhiso islamarkaana
loo qalabeeyo Ciidammo awood u leh iney hantaan guud ahaanba amniga
Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan
oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa
sheegay in dhinacyada shirka ka qeybgalay ay si aad ah u taageereen qorshahan
islamarkaana ay Dowladda Turkigu ballan qaaday iney hirgelinta qorshahan ku
bixin doonto Toban Milyan oo dollar halka ay sidoo kale dowladdo ay ka mid tahay
Imaaraadka Carabta iyana Ballan qaadeen iney dhaqaale ku deeqi doonaan sidii
qorshahan loo hirgelin lahaa.
“qorshahan shirka lagu ansixiyey wuxuu quseeyaa Ciidammada Xoogga Dalka iyo
Booliiska Soomaaliyeed ayaga ayaa lagu sameyn doonaa dib u dhis waayo sida aad
hada la socotaan Soomaaliya wey ka baxday hada KMG,qorshahana kaliya kuma koobna
tababarista Ciidammada ee sidoo kale wuxuu quseeyaa in la qalabeeyo Ciidammada,
walaalaha Turkiga ayaana qalabeyn doona”ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal Sheekh
C/raxmaan Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.
Hadaba qorshahan ay wadajirka u diyaariyeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga
ayaa dhigaya in Seddaxda sano ee soo socota Soomaaliya loo tababarro Ciidammo
tiradoodu gaareyso 25,000 Askari (Shan iyo Labaatan kun) ayadoo ciidammadaasina
loo qoondeeyey iney hantaan amniga guud ee Dalka kadib marka la qalabeeyo.
Shirar kale oo daba socda shirkan ka dhacay Ankara islamarkaana looga hadli
doono ajandahan ay labada dowladood sida wadajirka ah u diyaariyeen ayaa waxey
ka dhici doonaan magaalada Muqdisho ayadoo sidoo kalena in qorshahan
hirgelintiisa taageerro loo helo la horgeyn doono shirka bisha June ee sanadkan
ka dhici doona magaalada London kaasi oo ay dowladda Britain marti gelin
doonto.
Fulinta qorshahan waxaa wadajir mar walba ula socon doona labada Dowladood ee
Soomaaliya iyo Turkiga oo iyagu markii horeba islasoo diyaariyey ayadoo si gaar
ahna ay loogu xil saaray la socodka xaalada fulinta qorshahan halka uu marayo
Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga.
Kulankan ayaa muhiim u ah qorshaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku
dooneyso in dib u dhis loogu sameeyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed
ayadoo diyaarinta qorshahanna ay timid markii ay Wasiirrada Gaashaandhigga ee
Soomaaliya iyo Turkiga dhowaan dalkaasi heshiis iskaashi ku kala saxiixdeen.
Daawo sawirrada