Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku kulmay Washington


Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa maalinimadii shalay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka ku soo dhoweeyey, kulanna halkaasi kula qaatay dhiggiisa dalkaasi madaxweyne Barack Obama.

Kulanka labada madaxweyne oo waqti kooban qaatay kaddib ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh kulan kale la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Mrs Hillary Clinton oo uu xafiiskeeda ku booqday.

Wadahadlka Madaxweyne Xasan iyo wasiir Clinton kaddib ayaa waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay aqoonsi buuxa oo ay dowladda Mareykanku siisay dowladda Soomaaliya, taasoo aan dhicin muddo ka badan 20 sano oo ay Soomaaliya ku jirtay dagaallo sokeeye iyo jaha-wareer siyaasadeed, waxaana jiray in dhammaanba dowladihii kmg ahaa ee soo maray Soomaaliya ay aad isugu taxalujiyeen inay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka soo gaarsiiyaan halka uu maanta marayo, hase ahaatee ay arrintu ka socon weyday dhinaca Mareykanka oo ayagu aad uga walwalsanaa marxaladaha ay soo martay siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey dalka Mareykanka iyo ictiraafka ay dowladda Mareykanku siisay Soomaaliya, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in la sii hormarin doono xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale booqday xarunta CSIS, halkaasoo uu ka jeediyey qudbad aad u qiimo badnayd oo uu kaga warbixiyey xaaladda guud ee Soomaaliya, asagoona si gaar ah carrabka ugu adkeeyey xaaladda ammaanka iyo sida ciidamada dowladda ay diyaarka ugu yihiin gudashada waajibaadkooda.

Qudbada madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa ka mid ahaa dhibaatada dadka rayidka ah soo gaarta iyo xaaldda guud ee xuquuqal-insaanka ayadoo uu madaxweynuhu tusaale u soo qaatay kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay in qofkii ay ku caddaato in falkaasi ku kacay la geeyo maxkamad kaddibna lagu fuliyo wixii ay maxkamaddu ku xukuntay.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu ku guda jiray qudbaddiisa xusay doorka dalka Turkiga uu ka ciyaaray arrimaha Soomaaliya, asagoo dalkaasi ku amaanay sida madaxda iyo shacabkooduba ay Soomaaliya ula garab taagan yihiin kaalmada hagar la'aanta ah ee sida tooska ah u soo gaarta ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ay ku tageen dalka Mareykanka ayaa waxa ay u muuqataa mid soo hoysay guulo waaweyn oo dhinaca siyaadda ah, waxaana sidoo kale la filayaa in soo raacaan guulo laga gaaro dhinaca kaalmada dhinaca dhaqaalaha iyo ammaankaba ah oo ay dowladda Soomaaliya aad ugu baahan tahay.
Daawo sawirrada

SomPresUSA.jpg

Add New Comment