Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid
kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhacdadii
lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacday Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow
degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, iyo Xariga Weriye C/casiis C/nuur Koronto oo
warbixin aan sax aheyn faafiyay isla markaana ku xiran Xarunta
CID-da.
Golaha Wasiiradda ayaa ugu horeyntii waxay ka doodeen dhacdadii
15-ka bishan ka dhacday Tuulada Buulo-yaasiin ee ay ciidamada Nabad illaalinta
ee AMISOM ku toogteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 7 ruux oo 5 ka mid ahi
ay ahayeen caruur, halka labada kalena ay ahaayeen Dad Waayeel ah. Waxaana ku
dhaawacmay 7 ruux oo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo gabgabadii kulanka kadib, Warbaahinta la
hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay go’aanno ka soo saareen dhacdadii
lagu laayay dadka rayidka ah, waxayna kala yihiin qodobadaasi.
1.In Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay falkaas, isla
markaasna aysan u dul qaadaneynin in la laayo dadka Rayid ah oo aan waxba
galabsan
2.In Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM
caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada
Buulo-Yaasiin.
3.In Dowlada Soomaaliyeed ay u saartay Guddi soo xaqiijiya
dhacdadaasi iyo sida ay ku timid dhimashada, dibna Golaha Wasiirada ugu soo
celiyaan warbixin.
4.Dowladdu waxay Tacsi u direysaa iyada oo la murugeysan dadkii
ku geeriyooday dhacdadaasi, kuwa dhaawacmayna in Alle bogsiiyo
Sidoo
kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xariga weriye C/casiis Koronto iyo dad
kale oo lagu soo eedeeyaya inay wabrixin been abuur ah oo ku saabsan Kufsi loo
geystay gabar Soomaaliyeed ay u gudbiyeen warbaahinta caalamka
Wasiirka
ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in eedeynta la
xariirta Kufsi ay ciidamada Boolisku ka geysteen xero ku taala magaalada
Muqdisho, taasoo laga sii daayay TV-ga Aljazeera ay tahay mid been abuur ah,
isla markaana ay gacanta ku hayaan Weriyihii iyo dadkii kale ee kala qeyb qaatay
sharcigana la horgeyn doono.
“Golaha Wasiiradu waxay Cambaareeyeen
falalka lidiga ku ah kufsiga haweenka iyo tacadiyada kale ee dumarka, waxayna
adkeysay ciqaabta uu mudan karo shaqsiga ay ku cadaato falalkaasi kufsiga iyo
dhibaateynta ah” ayuu yiri wasiirka oo xusay in maalmihii ugu dambeeyey ay
sharciga waafajiyeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyey inay
galeen falal Kufsi ah.
Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay
qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kaasoo la
xariira dib u dejin loo sameynayo Barakacayaasha ku nool xeryaha Qaxootiyada,
waxayna isla qaateen in si deg deg ah looga howlgalo
arrinkaasi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dadkani ay haatan deggan yihiin
goobo aan munaasib ku aheyn degaanka kuwaasoo aan laheyn agabkii degaanka sida
biyo, caafimaad iyo musqulo, wuxuuna xusay in wasaaraddu iyada oo kaashaneysa
hay’addo caalami ah ay u diyaarin doonaan dadkani goobo ku wanaagsan degaanka oo
leh adeeg caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah
nolosha.
Dhinaca kale, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in 26 illaa
31-ka bishan Janaayo loo aqoonsado todobaadka Nadaafada Dalka. Wuxuuna Wasiirka
Arrimaha Gudaha ugu baaqay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka in laga sameeyo
ololahan nadaafadeed waxaana hormuud ka noqon doona Masuuliyiinta Dawlada.