Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayadoo Munaasabadda magacaabistana ay hada ka socoto xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay ka dambeyso wadatashi ballaaran islamarkaana uu ka ogolaadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Waxaana uu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney ansixiyaan Golaha Wasiirrada.
Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha ayaa ka kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidan:-
- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
- Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
- Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
- Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
- Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
- Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
- Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
- Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
- Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
- Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
- Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
- Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
- Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
- Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
- Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed