Dowladda oo mar kale ku celisay dalabkeedii qaadista cuna-qabateynta hubka


Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdixakiim xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maalinimadii shalay mar kale ku celiyey in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka, kaddib markii uu kulan la qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Wasiirka iyo wafdiga QM ayaa waxa uu kulankoodu ka dhacay gegida dayaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay iskula soo qaadeen horumarka muuqda ee laga gaaray dhanka sugidda ammaanka iyo sidii  QM ay dalka Soomaaliya gacan uga siin lahayd howlaha bani'aadanimada iyo mashaariic laga fuliyo dalka.

Cuna-qabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya ayaa waxa go'aamiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii dalku uu galay dagaalo sokeeye oo soo jiitamayey marka laga soo billaabo horraantii sanadihii sagaashameeyada, mana cadda sida QM uga jawaabi doonto dalbashada DFS ay ku dalbaneyso in cunaqabateyntaasi la qaado



Add New Comment