Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay inay xukun dil ah ku riday la-haystaha Faransiiska ah ee Denis Allex, kaas oo dowladda Faransiiskuna ay horey u sheegtay inuu ku dhintay howlgalkii Buulo-Mareer, halka Al-Shabaabna ay arrinkaasi beenisay oo ay sheegtay in uu nool yahay.
Xarakada Al-Shabaab ayaa bogga ay ku leedahay Twitterka ku shaacisay in Denis Allex lagu xukamay dil, taasoo ay mas'uuliyadeedana dusha kaga tuureen dowladda dalka Faransiiska, kaddib markii ay isku dayday in ay xoog adeegsato, ayadoo ay muddo dheer soo socdeen wadahadallo u dhexeeyey labada dhinac oo lagu doonayey in ninkaasi lagu sii daayo.
Denis Allex ayaa gacanta Al-Shabaab ku jiray in ka badan muddo saddex sano ah, kaddib markii ay ka qafaasheen hoteel uu magaalada Muqdisho ka degenaa, asagoo sida la sheegay waqtigaas la shaqeynayey dowladdii kmg ee Soomaaliyeed oo uu u tababarayey ciidamo gaar ah.