Ra'iisul-wasaare Cabdiweli oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Safiirka dalka Britain u fadhiya dalka Soomaaliya Weil Nigan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay safiirka Britain taageerada xoogan ee dawladdiisu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Danjire Wigan ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabistiisii, waxaana uu la wadaagay fariin ka timid Ra’iiusl Wasaaraha Britain David Cameron taasoo aheyd in Britain ay  ka go’antahay taageeradda dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirku waxa ay ka wada hadleen taageerada dawladda Britain ee dhinacyada Amniga iyo mashaariicda horumarineed, iyo sidoo kale howlaha waaweyn ee hor yaala xukuumada cusub, waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah sanadka 2016-ka.

“Xiriirka u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Britain waa mid taariikhi ah oo sal adag, waxaan dawladda Britain uga mahadcelinayaa taageeradeeda xoogan iyo shirarkii caalamiga ahaa ee ay u qabatay Soomaalida, uguna soo jeedisay indhaha beesha caalamka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa tayeynta hay’addaha amniga, tayeynta hay’addaha dawladda sida wasaaraddaha iyo weliba gaarsiinta mashaariicda horumarineed ee dhamaamba gobolada dalka Soomaaliya.


Add New Comment