Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigii la socday oo gaaray magaalada Washington
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo
wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Washington ee xarunta dalka
Mareykanka oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah oo ay halkaasi ku joogi doonaan dhowr maalmood. . Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa magaalada Washington ku soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka iyo xubno ka socday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool gobollada dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu kulan la qaato dhiggiisa dalkaasi Mr. Barak Obama iyo mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka, kuwaasi oo dhammaantood ay ka wada hadli doonaan xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii dowladda Mareykanka uga qayb qaadan lahayd dib u-dhiska dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la kulmi doona qaar ka mid jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalkaasi, ayadoo ay jiraan boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool dalkaasi, kuwaasoo uu madaxweynuhu kala hadli doono sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha nabadeynta iyo dib u-dhiska isugu jira ee ka socda dalkoodi hooyo.
Add New Comment
|
|
|