Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad howlgallo ballaaran ka wada magaalada Muqdisho, ayagoo saakana si gaar ah u bar tilmaameedsaday xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Ciidamada howlgalladan ka qaybqaadanaya oo aad u tiro badan ayaa waxa ay isugu jiraan ciidamo boolis ah iyo kuwa nabadsugidda qaranka, kuwaasoo intii ay ku guda jireen howlgallada sida xiriirka ah uga socda magaalada Muqdisho shalay iyo maanta ku soo qabqabtay dhallinyaro fara badan oo loogaga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir S/Guuto Axmed Xasan Maalin ayaa mar uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho sheegay in howlgalladani oo ah kuwo sii socon doona ay qayb ka yihiin dadaallada lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho, laguna soo qabanayo kooxo xiriir la leh Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka ay howgalkani kusoo qabteen ay isugu jiraan saddex kooxood oo kala ah kuwo la baarayo, kuwo uu ku cad yahay dembiga iyo kuwo marka dembi lagu waayo la sii deyn doono oo abriyaa' ah.
Howlgalladan maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa maalinimadii shalay ay ka dhaceen degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid, ayadoo maantana ay ka socdaan degmada Wadajir, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdana ay ciidamadu u tallaabi doonaan degmooyin kale oo isla gobolka Banaadir ka tirsan.
Howlgallada ciidamada amaanku ay ka wadaan magaalada Muqdisho ayaa yimid kaddib markii maalmihii u dambeeyey ay soo baxayeen cabashooyin ka imanayey shacabka ku dhaqan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.