Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo), ayaa maanta wareegto uu soo saaray isku-bedel iyo
xil-ka-qaadis ku sameeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa.
Sida
lagu sheegay Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Madaxtooyada
Somaliland, Wasiirku wuxuu xilalkii ay hayeen ka qaaday laba Wasiir oo
ka tirsan Xukuumaddiisa, halka uu xilal aan kuwii ay hore u hayeen ahayn
uu u magacaabay Wasiiro hore, isla markaana uu kuwo cusub magacaabay.
Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha
JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu maanta
digreetooyin Madaxweyne Xilkii kaga Qaaday laba Wasiir, sidoo kalena ku
Magacaabay laba Wasiir oo Cusub, Waxa kale oo uu Madaxweynuhu
Wasaaradihii hore ee ay hayeen ka bedelay labada Wasiir ee Wasaaradaha
ee Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha oo uu u Magacaabay Wasaarado Cusub.
Madaweynaha JSL. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo
Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
1-In
Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.
2-
In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta
Reer Miyiga ee JSL.
3-
In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada
Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga laga Bilaabo Maanta uu
ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL.
4-In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL.
Madaxwweynaha JSL isagoo uga Mahad celiyey Mudadii ay Xilka soo hayeen waxa uu Xilkii Wasiir-nimo ka Qaaday isla markaana Faray in ay Wasiirada Cusub ku wareejiyan Xilkii Wasaaradaha ee ay hayeen.
1- Wasiirkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Maxamed Yaasiin Xasan
2- Wasiirkii Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.”
Waa
markii u horraysay ee Madaxweyne Siilaanyo isku-bedel kooban ku sameeyo
Golihiisa Wasiirada tan iyo intii xilka loo doortay, hase ahaatee,
dadweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa u muuqda kuwo filayay in
Madaxweynuhu sameeyo isku-shaandhayn intan ka ballaadhan