Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gelinkii dambe magaalada Muqdisho diyaarad ku keentay ku dhowaad 150 ruux oo qeyb ka ah dad Soomaaliyeed oo ku xanibmay dagaalladii ka dhacay dalka Koonfurta Sudan.
Diyaaraddan ayaa dadka saarnaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Qaar ka mid ah dadka lasoo celiyey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahad celiyey Safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta Sudan iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay muwaadiniinteeda ku go’doonsanaa dalka Koonfurta Sudan usoo daad gureysay.
Diyaaraddan ayaa ah diyaaraddii Seddexaad ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u kireysay iney kusoo daad gureyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa dalka Koonfurta Sudan waxaana tani ay ka dhigeysaa in tirada dadka ay Dowladda Soomaaliya dib ugusoo daad gureysay dalka ay gaarayaan ku dhowaad 500 ruux.