Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Buulo Mareer


Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa mar uu magaalada Muqdisho kula hadlayey warbaahinta cambaareyn dusha kaga tuuray weerarkii ciidamda Fransiiska ka geysteen degaanka Buulo-Mareer ee gobolka Sh/Hoose, kaasoo ay ku naf waayeen dad rayid ah.

Mudane Fiqi ayaa waxa kale oo uu sheegay in haba yaraatee aan dowladda Soomaaliya lagu soo wargelin howlgalkaasi geystay qasaarada isugu jirta naf iyo maalba ee soo gaartay shacabka aan waxba galabsan ee ku dhaqan degaankaasi lagu soo duulay, ayadoo ugu dambeyntiina uu wasiirka u tacsiyeeyey ehelada dadkii rayidka ahaa ee ay weerarkaasi waxyeellada kasoo gaartay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in dhowr jeer oo hore ay fashil ku dhamaadeen  dadaallo lagu doonayey in lagu soo furto sarkaalka Fransiiska ah ee ay haystaan dagaalyahannada Ururka Al-Shabaab.

Ma aha markii u horreysay ee ay ciidamo ajnabi ah ay howgallo ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ayada oo aan waxba laga ogeysiin dowladihii isaga dambeeyey talada dalka, taasoo meel ka dhac ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliya.


Add New Comment