Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo uga digay in Waxyaabo ka baxsan Diinta iyo Anshaxa Suubban lagu sameeyo Xeebta Liido


Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdihso Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa uga digay dhallinta Soomaaliyeed ee ka yimid qurbaha inay waxyaabo anshaxa diinta iyo tan dalka ka baxsan ku sameeyaan xeebta Liido.

Mudane Tarsan wuxuu sheegay in dhallinyarada ka yimid qurbaha ay niyada ku hayaan inaysan joogin dalalkii galbeedka ee ay ka yimaadeen balse ay ku sugan yihiin dal Islaam ah oo leh dhaqan wanaagsan iyo anshax suuban.

“Waan uga digaynaa dhallinyarada ka yimid dibadaha dalka inay waxyaabo ka baxsan dhaqanka, diinta iyo asluubta wanaagsan ee dalkan iyo dadkan ay leeyihiin,” ayuu yiri Tarsan oo aan sheegin ciddii ay ku helaan in amarkan ay ku xadgudubtay tallaabada ay ka qaadi doonaan.

Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu amar ku siiyay ciidamada ammaanka ee ku sugan xeebaha Liido inay ka hortagaan cid walba oo anshax xusmo ku sameynaysa halkaas.

“Ma ogolaan karno in wiil yar iyo gabar yar oo aan anshaxa iyo dhaqanka aan waxba ka ogeyn ay dalkan iyo dadkan oo dhan qarribaan,” ayuu yiri duqa Muqdisho, iyadoo digniintan ay noqonayso tii ugu horreysay oo uu maamulka gobolka Banaadir u jeediyo dadka u damaashaad iyo dabaal-taga xeebaha Muqdisho.

Toddobaad walba dabayaaqadiisa ayaa waxaa xeebaha Muqdisho taga dad badan oo isugu jira, dhallinyaro, caruur iyo waayeel rag iyo dumar leh oo ku damaashaada xeebaha Liido iyo Jaziira ee Muqdisho, halkaasoo ah goobaha ay dadka intooda badan ku kulmaan.

Inta badan dadka xeebaha taga ayaa waxay u badan yihiin dadka kasoo laabtay dibadaha dalka, kuwaasoo illaa gabaldhicii ku sugnaada halkaas, waxayna iyagoo koox-koox ah ay ku dabaashaan xeebaha.

Add New Comment