Ku-xigeenka ra'iisul wasaaraha, ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdigii la socday ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay muddo dhowr maalmood ah ay booqasho ku soo kala bixiyeen dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Marwo Fowsiya ayaa sheegtay in ay labada dal ee Ingiriiska iyo Talyaaniga kala soo hadashay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka dalalkaasi kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasaddaba, waxayna intaasi ku dartay in dhammaanba qodobadaasi ay isku afgarteen mas'uuliyiintii dowladahaasi ee ay wada kulmeen.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ayaa waxa ay xusulduub ugu jirtaa sidii Soomaaliya ay u soo celin lahayd xiriirkii dibloomaasiyadeed ee kala dhexeeyey dalal badan oo caalamka ah iyo sidii dib loogu soo celin lahaa hanti fara badan oo dalka kaga dayacan dalalka dibedda.