Danjiraha Soomaaliya wakiilka uga ah Midowga Yurub iyo Talyaaniga Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
ayaa ka hadlay arrin beryahan dambe la hadalhayey oo ku saabsanayd in la kireeyey dhismihii safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.
Danjire Nuur Cade
ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay waddanka
Talyaaniga laga kireeyay shirkad laga leeyahay waddanka Talyaaniga islamarkaana
Xukuumadda Soomaaliya arrintaasi ay soo dhaweysay kadib markii Wasiiradda
arrimaha dibadda ay gaartay waddankaasi Talyaaniga.
Danjire Nuur Cadde ayaa sidoo kale ka hadlay booqashadii wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ay ku tagtay dalka Talyaaniga, wuxuuna danjirihu sheegay in Soomaaliya iyo Talyaaniga ay isla garteen in lasii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay magaalo-madaxda dalka Talyaaniga ee Roma ku leedahay dhismayaal dhowr ah, kuwaasoo dayac fara badan uu soo gaaray muddadii 22-ka sano ahayd ee uu dalka Soomaaliya ku jiray dagaalada sokeeye iyo jahawareerka siyaasadeed.