Isbadal lagu sameeyey qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda


Ra'iisul-wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa soo saray dikireeto uu ku caddeynayey isbadal lagu sameeyay howlaha wasaaradaha xukuumada qaarkood.

Ra'iisul-wasaare Saacid ayaa sheegay in isbadalkan uu quseeyo qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Federalka ee Soomaaliya kuwaas oo kala ah :

1 - Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga
2 - Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka
3 - Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Howlaha ku saabsan  Dalxiiska iyo Duurjoogta ayaa dikereetada Ra'iisul-wasaaraha lagu sheegay in ay si kmg ah u hoos tegi doonaan xafiiska ra'iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda F. ee Soomaaliya.

Isbadalkani ma quseeyo wasiiru-dowlayaasha iyo wasiir ku-xigeennada xukuumadda.


Add New Comment