Wafdi ka socda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo uu horkacayo
Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi C/samad Nuur Guuleyd ayaa maanta soo gaaray
magaalada Muqdisho.
Wafdigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha
Baarlamanka, waxaana garoonka diyaarada ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan
dowladda.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug xubnaha ku wehliya socdaalkiisa waxaa ka mid
ah guddoomiyaha baarlamanka Galmudug, iyo shan wasiir oo ka tirsan
maamulkaasi.
C/samad Nuur Guuleed Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo saxaafadda la hadlay
markii uu kasoo dagay garoonka ayaa sheegay in u jeedka ay u yimaadeen caasimada
dalka ay tahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda dalka si ay uga wada
hadlaan hormarinta Galmudug.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug ayaa intaasi ku
daray in madaxda dowladda ay kala tashanayaan heshiis ay la galeen
culumaa’udiinka Ahlu sunna waljameeca kaas oo ku aadan sidii la iskugu keeni
lahaa dadka ku dhaqan maamulka Galmudug.