Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay xildhibaannada ku dooda in xilligii guddoonka barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya uu dastuuriyan dhammaaday.
Xildhibaannadan la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu soo warramayaa inay yihiin kuwo aad ugu adkeysanaya mowqifkooda ku aaddan xilligii gudoonka barlamaanku uu dhammaaday, loona baahan yahay in xubnaha barlamaanku ay soo doortaan guddoon cusub.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mudanayaasha barlamaanka ayaa ka wada hadlay muranka soo kala dhex galay mudanayaasha qaarkood iyo guddoonka barlamaanka Soomaaliya, ayadoo ay xildhibaannadu ka codsadeen Madaxweynaha inuu soo kala dhex galo ayaga iyo guddoonka sare ee barlamaanka, muranka u dhexeyana lagu xalliyo cahdiga ku-meel-gaarka ah.
Mudane ka tirsan xildhibaannada barlamaanka oo lagu magacaabo Saalax Badbaado oo saxaafadda la waramayey kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha kaddib ayaa sheegay inay Madaxweynaha u sheegeen in lagu xadgudbay sharciga, loona baahan yahay in madaxweynuhu wax ka qabto xadgudubkan.
"Waxaan u sheegnay Madaxweynaha Soomaaliya in lagu xadgudubay dastuurka loona
baahan yahay inuu wax ka qabto xadgudubkan" ayuu yiri Mudane Saalax Badbaado oo
saxaafadda la hadlay kulankaas kaddib.
Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibannadan oo ku adkeysanaya mowqikfooda ayaa
wuxuu socday dhowr saacadood, iyadoo aan wax xal ah lagu gaarin, waxaana lagu
wadaa inay mar kale kulmaan sida ay sheegeen mudanayaashan.
Muranka u dhexeeya qaar ka mid ah xildhibaannada iyo guddoonka barlamaanka Soomaaliyaa ayaa soo if baxay kaddib markii ay magaalada Muqdisho dhowaan ku kulmeen xildhibaannadan diidan sharci ahaanta guddoonka barlamaanka oo ay ku sheegeen inuu waqtigoodii dhammaaday, ayadoo xildhibaanno kalena ay sheegayaan in guddoonka barlamaanku uu sharci yahay, loona baahan yahay in laga waantoobo waxyaabaha dhalin kara khilaaf soo kala dhexgala xubnaha barlamaanka.