Kulanka waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafint, Boostada
Isgaarsiinta, iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo
qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
wasiirka Warfaafhinta, Boostada, Isgaarsiin iyo Gaadiidka mudane C/llaahi
Ciil-mooge Xeris, wasiir ku xiggeenkiisa mudane Ibraahim Isaaq Yaroow,
mudaneyaal ka tirsana Baarlamaanka Soomaaliya, madaxda shirkadaha Isgaarsiinta
dalka, fananniinta hobollada Qaranka Waaberri iyo marti heer caalami ah.
waxaana looga tashanayay xeerka nidaaminta Isgaarsiinta iyo Warbaahinta
waddanka uu leeyahay, iyadoo uu socon doono muddo laba maalmood ah, furitaanka
shirka waxaa khudbad ka jeediyay kulanka wasiirka Warfaafinta mudane C/llaahi
Ciil-mooge Xersi, isaga oo faah faahin ka bixinaya qaar ka mid ah qodobbada
xeerka ee ay soo saartay Wasaaraddiisa.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax
Shirdoon “Saacid” ayaa si weyn uga mahadceliyey shirkadaha Isgaarsiinta dalka
doorkii ay qaateen mudadii adkeyd ee uu dalka soo maray, isla markaana
Isgaarsiinta Soomaaliya ka jirta ay aad uga horumarsan tahay waddammo badan oo
adduunka ah.
Dhinaca kale Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa soo jeediyay in shirkadaha
Isgaarsiinta dalka ay sameeyaan Sanduuq dhexe oo ay taageero Maaliyaddeed ugu
shubaan dowladda dhexe, markii ay gutaan waajibaadka lagu leeyahay ee ah bixinta
cashuurraadka kaddib, taasi oo uu sheegay in ay u noqon doonto Taariikh Baal
dahabka u gasha shirkadaha Isgaarsiinta.
Shirkan wada-tashiga ah waxaa lagu dhegeysan doonaa mudada uu socdo fikirka
iyo tallooyinka ay soo jeediyeen madaxa shiradaha Isgaarsiinta iyo sidoo kale
warbaahinta xorta ah oo qeybtooda berri sidan oo kale uu uga dhici doona
magaalada Muqdisho, waana markii uu horeeysay ee ay dowladda Soomaaliyeed xeer
caalami ah u dajisho Isgaarsiinta iyo Warbaahinta bur-burkii Soomaaliya kaddib.
Daawo sawirrada