WFP: Weli waxaa Soomaaliya ka jirta baahi gargaar


WFP_b.jpgBarnaamijka Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in wali ay jirto tiro badan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bini’aadannimo, inkastoo laga soo kabanayo abaarihii iyo macluushii dalka ku dhuftay sanadkii 2011.

War ay soo saartay WFP ayay ku sheegtay in dad gaaraya 1.3 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunno, tiradaas oo hoos uga dhacday intii ay ahayd sanadkii hore oo aheyd 1.7 milyan.

WFP waxay sheegtay in inta badan dadkaas ay ku nool yihiin gobollada koonfureed ee Soomaaliya, xaaladdoodu nololeedna ay aad u liidato.

Waxay warbixintu tilmaantay in Soomaalida xaaladda ay hoos uga soo dhacday 3.7 milyan sidii ay aheyd bishii August ee sanadkii 2011 iyo 2.1 milyan 2012.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ayaa qorsheynaya in sanadkan uu gargaar siiyo 1.6 milyan oo dad ah, iyadoo bishii December ay kaalmada hay’adda heleen 1.1 milyan oo qof oo Soomaali ah.


Add New Comment