Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo
oo uu ku tagay dalal ka tirsan caalamka.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxey kasoo degeen duhurnimadii
maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayadoo
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay garoonka kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan
labada gole ee Dowladda oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane
Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo
iyagu sitay boorar ay ku qornaayeen Madaxweyne soo dhawoow.
Madaxweynaha oo markii uu kasoo dagay garoonka Aadan Cadde kadib la hadlay
saxaafadda ayaa tilmaamay in safarkan uu ku tagay dalal caalamka ka tirsan oo uu
kalasoo hadlay xiriirka ay Soomaaliya la yeelanayaan iyo sida ay u taageeri
lahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud tilmaamay in dalalkii uu tagay uu kusoo arkay waxyaabo lagu farxo oo ah
sida ay Soomaaliya ugu heelan yihiin caalamka xiligan.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ku kala tegeen dalalka Ethiopia,
Belgium,Uk iyo Qaahira halkaasi oo uu madaxweynuhu kaga qeybgalay shirar kala
duwan kuwaasi oo Soomaaliya qodobbo quseeyo looga hadlay.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka sokoow ka
qeybgalka shirar kala duwan uu shirar gaar gaar ah la qaatay Madax ka kala
tirsan Midowga Afrika,Midowga Yurub iyo Ra’isulwasaaraha dalka Britain.
Daawo sawirrada