Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Masar


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaaladda Qaahira ee dalka Masar oo uu uga qaybgalay shir-madaxeedkii wadamada Islaamka ayaa xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

Madaxweyne ayaa waxaa kulanka soo dhoweynta ah ee uu la yeeshay jaaliyadda kala qaybgalay wafdigii dowladda ee kala qaybgalay shir-madaxeedka waddamada Islaamka ee lagu qabtay magaalada Qaahira oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u sheegay jaaliyadda in xaaladda dalka ay soo wanaagsanaanayso, waxaanu ka codsaday inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda.

Dadaallada siyaasadeed iyo kulamada uu madaxweyne Xasan Sheekh qurbaha kula yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ayaa dhammaantood u muuqda kuwo guuleysanaya ayadoo madaxweynuhu uu meel kasta oo uu tagaba qurbajoogta uga warbixinayey xaaladaha soo hagaagaya ee ka jira dalkooda.

Daawo sairrada

kulanka cairo.jpg


Add New Comment