Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Gal-mudug (SAWIRRO)



 Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday maamulka Galmudug, kaasoo uu horkacayay madaxweynaha maamulkaas Maxamed Axmed Caalim.

 

Xubnaha ka socday Gal-mudug ayaa kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana gabo gabadii kulankooda saxaafadda la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Gal-mudug, iyagoo sheegay in kulankoodan ay uga wada hadleen arrimo la xiriira abaaraha ka jira gobollada dhexe iyo sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug State. 


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo kulankaas kaddb saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo madaxweynaha Gal-mudug iyo wefdigiisa, isagoo xusay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid tahay abaaraha baaxadda leh ee dalka ka jira, gaar ahaana gobollada dhexe isagoo xusay in deeq ay ka heleen dowladda Imaaraadka Carabta inay qeybtooda gaarsiin doonaan shacabka Gobollada dhexe.

 

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Caalim iyo maamulkiisa shaqada ay ka qabteen howlaha dib-u-heshiisiinta, sidaad la socotaan wefdi ayaan u dirnay Gobolada dhexe markii ay dagaalladu ka dhaceen, waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan dhiiggii daadanayay” ayuu yiri R/wasaaraha oo xusay in dagaallada kale ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka ay ku dedaalayaan sidii loo joojin lahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii hadalkiisa u duceeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoo Alle uga baryay inuu ka dul qaado abaarta iyo harraadka saameynta adag ku yeeshay.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalim oo isna saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu xaqiijinayo inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan yihiin isagoo tilmaamay in sababaha ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay hoos yimaadaan.

 

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday Madaxweyne Caalin in gobollada dhexe ay ka jiraan abaaro xooggan oo dad iyo duunyaba baabi’isay, ayna ka rajeynayaan dowladda Federaalku inay wixii karaankeeda ah si deg deg ah ula gaari doonto “Ummaddu meel aad u xun ayay maraysaa, xoolihiina waa baaba’een, dadkuna wey ku soo xigaan” ayuu yiri Mr. Caalim oo xusay in halkii booyad ee biyo ah ay mareyso inta u dhaxeysa $300 illaa $400.





 


Add New Comment