Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo sheegay in rafcaan laga qaadan karo dacwaddii kufsiga
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ceydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa shir-jaraa'id oo uuu maanta ku qabtay Muqdisho kaga hadlay dacwadda ku saabsan weriye Cabdulcasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) iyo haweeneyda sheegatay inay kufsadeen rag ka tirsan ciidanka dowladda.
Guddoomiye Ilko-xanaf ayaa sheegay in xukunkii ay shalay ku riday Maxkamadda gobolka Banaadir labadaasi qof ee siyaabaha kala duwan loogu soo eedeeyey dhacdada kufisga haweeneyda ay xaq u leeyihiin in ay rafcaan ka qaataan xukunka Maxkamadda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray in la siyaasadeeyey dacwadda ku saabsan kufsiga haweeneyda iyo weriyihii wareystayba, wuxuuna isla mar ahaantaas uga digay warbaahinta dalka in ay meel uga dhacaan hay'adaha garsoorka dalka.
Dacwadaan ayaa ah mid dunida si weyn loogaga hadal-hayey maalmihii la soo dhaafay, taasoo maalinimadii shalayna ku soo dhammaatay in Maxkamadda gobolka Banaadir ay min hal sano oo xarig ah ku xukunto weriyihii wareystay gabadha sheegtay in la kufsaday iyo ayada qudheedaba.
Add New Comment
|
|
|