Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Oo Gaaray Magaalada Beledweyn


Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax,ku xigeennadiisa, maamulka magaalada Beledweyn,waxgarad,odayaal,siyaasiyiin,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyn.

Ra’isulwasaaraha ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha waxa uu salaan sharaf gudaha garoonka kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada walaalaha Jabuuti ayadoo astaantii qaranka Dalkeenana halkaasi lagu garaacay,markaasi kadibna Ra’isulwasaaraha waxa uu mid mid u gacan qaaday dhammaanba xubnihii soo dhaweeyey.

Soo dhaweyn kadib wafdiga Ra’isulwasaaraha waxaa loosoo galbiyey gudaha magaalada ayadoo hadana uu ku suganyahay xero ay leeyihiin Ciidammada walaalaha Jabuuti oo ka mid ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxaana xerada ka socda kulan aad u ballaaran oo la xiriira.

Kulanka kadib waxa uu Ra’isulwasaaraha booqan doonaa gudaha magaalada Beledweyn iyo sidoo kale xero ku taala duleedka magaalada oo ay ku tababaranayaan Ciidammo ka mid noqonaya Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayadoo sidoo kalena uu Ra’isulwasaaraha la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyn.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/shakuur Cali Mire,Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandigga,Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaanna dalka Jabuuti.

Daawo sawirrada

RWinBldwyn.jpg



Add New Comment