Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigii la socday oo soo gaaray magaalada Qaahira


cairo.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigii la socday ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kaddib markii ay kasoo kicitimeen magaalada London ee dalka Britain.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Qaahira waxa si diirran ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Masar, waxayna halkaasi kaga qaybgalayaan shir-madaxeedka dalalka Islaamka maanta uga furmaya halkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah uu ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda marwo Fowsiya Yuusuf X. Aadan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada, wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo xubno kale.

Shirka Islaamka ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan go'aamo wax tar u leh taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalkeenna oo soo maray 22 sano oo ay ka jireen dagaallo sokeeye iyo jahawareer siyaasadeed, kuwaasoo burburiyey wax kasta oo asaas u noqon howlaha dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.


Add New Comment