Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay kulan looga arinsanayay amniga Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan dhici doonin waxii dhacay habeenadii u dambeeyay.
Mudane C/kariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeexay in la xisaabtan dhab ay la sameyn doonaan Hay’addaha amniga ee Dowladda Soomaaliya.
“Waxii ka dhacay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Xalay iyo Habeen hore waxaan kula xisaabtami doonaan Hay’addaha amniga iyo Saraakiisha Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo loo igmaday sugida amaanka Magaalada Muqdisho”sidaasi waxaa yiri Wasiirka amniga Qaranka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, kulankan looga hadlay amaanka guud ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxuu imaanayaa xili labadii habeen ee ugu dambeeyay ay Muqdisho ka dhaceen Qaraxyo iyp Madaafiic khasaro isugu jiora dhimsho iyo dhaawac geystay.