Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya


Kulanka uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow la qaatay safiirka dowladda Ingariiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Nile Wigan, ayey uga hadleen arrimo muhiim ah, sida xaaladda dalka uu marayo, xiriirka labada dowladooda ee Soomaaliya iyo Britain iyo taageerro gaar ah oo la siinayo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Danjiraha Ingariiska uu ku leeyahay Muqdisho marka uu soo dhammaaday kaddib ayuu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Warbaahinta dowladda u sheegay in safiirka ay si gaar ah uga hadleen taageerro ku aaddan dhinac Qalabka iyo Tababarrada shaqaaalaha Wasaaradda Warfaafinta, isagoo intaa ku daray in wada hadal kale uu weli u socdo.

Sidoo kale Safiirka dowladda Ingariiska u joogga Soomaaliya, Danjire Nile Wigan ayaa isna dhankiisa sheegay in ay Wasiirka ku kala warqaadeen arrinta Soomaaliya sida mustqabalka Saxaafadda  iyo kaalinta dowladda Ingariiska ee ay ku bixineyso caawimaad.

“Wasiirka Safaaradda Britain ayaan kusoo dhaweeyey, waxaan isku soo qaadnay xaaladda Warbaahinta Soomaaliya, sidoo kale waxa uu iiga warbixiyay Wasiirka Xaaladda dalka iyo baahida Wasaaradda Warfaafinta xilligan ka jirta, welina wax badan ayaan meel  noo wada maraya” ayuu Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya hadalkiisa ku daray.

Dowladda Ingarsiiska waxa ay ka mid tahay dowlaha sida aadka ah u taageerra Soomaaliya, waxayna tani wax badan kusoo kordhin doontaa qalabeynta iyo tababar siinta Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo dhanka kale Wasaaraddu ay ku dadaaleyso sidii isbadel horumarineed loogu sameyn lahaa waaxyaha Wasaaradda.


Add New Comment