Ra'iisul-wasaaraha Britain oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyey madaxweynaha Soomaaliya
Ra'iisul-wasaaraha dalka Britain Mr. David Cameron ayaa maanta gelinkii dambe xafiiskiisa Downing street 10 ee magaalada London ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga halkaasi.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Britain, xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Britain uga qayb qaadan karto nabadeynta, soo celinta amniga iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Intii uu si socday kulanka labada hoggaamiye ayaa waxa kale oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka bisha May ee sanadkan loo qaban doono arrimaha Soomaaliya ee ka dhici doono magaalada London, kaasoo ay guddoomin doonaan madaxda dalalka Soomaaliya iyo Britain.
Kulanka labada mas'uul ayaa ku soo dhammaaday si wanaagsan ayadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey waddanka Britain iyo sida dowladda Britain ay u garab taagan dadaallada lagu nabadeeynayo dalka Soomaaliya.
Ra'iisul-wasaare Cameron ayaa asagana dhankiisa muujiyey sida dowladdiisu ay raaliga uga tahay qorshayaasha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay dalkeeda ku samatabixiso, sidoo kalena caddeeyey in dalka Britain uu Soomaaliya la garab taagan yahay taageero dhinacyo badan leh.
Daawo sawirrada
Add New Comment
|
|
|