Wakiilka Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo ka soo horjeestay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya

Warsaxaafadeed uu soo saaray ergayga xoghayaha Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, Augustine Mahiga ayuu kaga soo horjeestay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku kororsaday xillligooda shaqo. Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay xilligooda shaqo ku kororsaday muddo saddex sano ah, kaddib markii ay cod loo qaaday ay ansixiyeen 421-mudane, waxaana diiday 11-xildhibaan, halka ay ka aamuseen saddex xildhibaan. “Tani waa go’aan laga naxo oo deg-deg lagu gaaray, iyadoo aan laga wadatashan waxyaabihii loo baahnaa, oo ku saleysnaa sida lagu dhammeyn karo xaaladdaha kala guurka ah iyo waxyaabaha la qaban doono marka la gaaro bisha Ogoosto sannadkan,” ayuu yiri Mahiga. Wada-tashiga la wajahayo bisha Ogoosto kaddib, ayaa waxaa horay u bilaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’isul wasaaraha, balse hore looma sii wadin wada-hadaladaas. Mahiga, wuxuu sheegay inuu maanta la kulmay madaxda Midowga Afrika, tan urur goboleedka IGAD, si loo sii ambaqaado natiijada shirkii madaxda ururka goboleedka IGAD ee 31-kii Janaayo, 2011 ka dhacay Addis Ababa. “Waxaan ku heshiinnay in kulan deg-deg ah la qabto, kaasoo lagu casuumo hoggaamiyeyaasha dowladda KMG ah Soomaaliya, lagana hadlo qaabkii horey loogu socon lahaa, iyadoo la xaqiijinayo nabadda iyo isbedelka Soomaaliya,” ayuu yiri Mahiga. Ergaygu, wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u qalmaan inay ku hamiyaan isbedel, taasina waxay masuuliyaddeedu saaran tahay dowladdu ay ku dhaqan-geliso sida ugu dhaqsiyaha badan isbedelka, iyadoo lala tashanayo dadka ay talada ka go’do ee shacabka Soomaaliyeed matala iyo bulshada caalamka. “Waan sii wadi-doonnaa inaan hoggaanka Soomaaliyeed ula shaqeyno si cad iyo is aaminaad labada dhinac,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay Mahiga, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo kasoo horjeesta go’aankii uu baarlamaanka Soomaaliya xilligiisa ku kororsaday.

Add New Comment