Masaajidka Isbahaysiga oo uu dib u dhis baaxad weyni ku socda
Ayadoo ay muddooyinkan dambe magaalada Muqdisho ka socdeen mashaariic waaweyn oo dib loogu dhisayey goobo waaweyn oo ay ka mid yihiin dugsiyada, cisbitaallada, jididka iyo garoomada ciyaaraha ayaa waxa haatan billowday in dayactir baaxad weyn lagu billaabay masaajidda waaweyn ee magaalada oo ku mid yahay Masjidka Isbaheysiga iyo masjidka taariikhiga ah ee Cabdulcasiis.
Masjidka Isbaheysiga ayaa waxaa dhibaato weyn dhinaca dhismaha ah ka soo gaartay dagaaladii iyo nidaam la'aantii ka jirtay magaalada muddadii labaatanka sano ka badneyd ee ay guud ahaan dalka Soomaaliya ka socdeen dagaallada sokeeye.
Haddaba Masjidka Isbaheysiga oo ah masjidka ugu weyn dalka Soomaaliya, kana mid ah masaajidda ugu waaweyn qaaradda Afrika, markiibana ay salaadda ku tukan karaan in ka badan toban kun oo qof ayaa waxaa haatan ku billowday dib u dhis baaxad weyn oo wax lagaga qabanayo bilicdiisa gudaha iyo dibeddaba.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Turkiga oo wakiil ka ah Ururka Isbaheysiga Islaamka ayaa fulineysa dib u dayactirka masjidkan oo marka howshiisu soo dhammaato wax weyn ku soo kordhin doona bilicda magaalada Muqdisho.
Ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, ahna wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta mudane Ridwaan Xirsi iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaraddiisa ayaa kormeer howleed ku tagay, soona eegay qaabka ay socoto howsha dayactirka ah ee ku socota masjidka.
Wasiirka ayaa goobta ka jeediyey hadal kooban oo uu wasaaradda awqaafta ee dowladda Turkiga kaga mahad celiyey howshan baaxadda weyn ee ay ka wadaan dib u dayactiridda masjika Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa marka ay soo dhammaato howsha dib u dhiska ah ee ku socota, la saadaalinayaa in uu yeelan doono muqaal aad uga qurux badan kii hore ee uu lahaan jiray ka hor intii aysan dagaaladu ka qarxin dalka Soomaaliya.
Add New Comment
|
|
|