Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ka Warbixiyay Ciidamo La Ruqseeyay


Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay tirada askarta la ruqseeyay ee ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen dad xirfad layaal ah.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in tirada askarta la ruqseeyay ay gaarayso 700 askari, kuwaasi oo uu taliyuhu ku sheegay inay ahaayeen kuwa aan gudan waajibaadka ciidan ee ay u dhaarteen.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in askarta la ruqseeyay ay isugu jiraan saraakiil, saraakil xigeen iyo dabley, kuwaasi oo u badan haween, isagoo xusay in muddo todoba bil ah ay u yeerayeen askartaasi, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

“Dadka la ruqseeyay waxa ay isugu jiraan dad xirfadlayaal ah oo aan si toos ah ugu shaqeynin ciidamada xoogga dalka, kuwaasi oo kala ah ganacsato qaad wada yaal ah, kuwa Hoteelada sida gaarka ah loo leeyahay Waardiyeeya iyo kuwa aan imaanin goobta shaqada” ayuu yiri Taliyaha.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi waxa uu xusay in hay’ad gaar ah ay u xilsaareen naafada iyo agoonta ciidanka xoogga dalka si loo daryeello, kuwaasi oo uu xusay taliyuhu in aysan ka mid ahayn kuwa la ruqseeyay.


Add New Comment