R/wasaaraha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha.


Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradahada dowladda.

Kulanka uu maanta xafiiskisa kula qaatay R/wasaaraha dalka dhamaan agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda ayaa u jeedadiiisu waxa ay aheyd in ay kala warqaataan agaasimayaasha iyo R/wasaaraha islamarkaana ay wada falanqeeyaan wax yaabahi u qabsoomay, caqabadaha heysta, qorshayaasha iminka ay hiigsaneyso xukuumada iyo sidii loo dar dar galin lahaa howlaha dowladda.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo warfidiyeenada la hadlay markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa sheegay in kulakooda looga hadlay sidii loo dar dargalin lahaa howlaha wasaaradaha isagoona intaasi ku daray in uu kulankooda ku soo dhamaaday is afgarada.

Kulanka uu manta la qaatay R/wasaaraha Soomaaliya agaasimeyaasha wasaaradaha dowladda ayaa ah kulankii ugu horeeyay ee uu la yeesho tan iyo markii loo magacaabay xilka R/wasaarenimo ee dalka.

kulanPM.jpg


Add New Comment