Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex sano oo cusub ku darsaday xilliga ay shaqeynayaan


 Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay xilliga ku kororsadeen muddada ay shaqeynayaan, iyagoo waqtiga ku darsaday muddo saddex sano ah.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay 435-xildhibaan, iyadoo guddiga dastuurka baarlamaanka ay soo jeediyay in muddada lagu kordhinayo saddex sano, iyagoo sidoo kalena soo dhaweeyay go'aankii ay gaareen IGAD iyo Midowga Afrika, kaasoo lagu go'aamiya in xilliga baarlamaanka la kordhiyo.

"Waxaan ku talinaynaa in muddada baarlamaanka lagu daro saddex sano oo ka billaabaynaysa 22, Ogoosto 2011, kuna eg 22, Ogoosto 2014. Muddadaas inta lagu jirana uu baarlamaanku ka shaqeeyo sidii lagu soo dooran lahaa guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha," ayuu yiri Maxamed Nuur Sheego oo ka tirsan guddiga dastuurka baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka shir guddoominayay iyo xubno ka tirsan baarlamaanka  ayaa dhankooda soo-jeediyay in xiliga baarlamaanka lagu kordhioy laba sano, taasoo buuq badan ka dhexdhalisay xildhibaannadii baarlmanaka ee kulanka ka qaybgalay, waxaana labada fikradood markii dambe la geliyay cod.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka hadlay qaabkii ay codeynta u dhacday, ayaa yiri: "Kulanka waxaa soo xaadiray 435-mudane, waxaana 421-xildhibaan ay u codeeyeen in saddex lagu kordhiyo xilliga shaqeynayo baarlamaanka, 11-mudane waa diideen, waxaana ka aamusay saddex mudane," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Shariif Xasan, ayaa intii uusan kulanka soo xirin wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay kulammada kasoo qaybgaleen, isagoo xusay in xilidhibaankii aan kulammada kasoo qaybgelin muddo laba bilood ah, xilka laga qaadayo, badalkiisana lama keeni doono.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday ayaa waxaa laga aqriyay mooshin la sheegay inay soo diyaariyeen 429-mudane, kaasoo lagu codsaday in isbadal lagu sameeyo qodobka 32-aad ee xeerka baarlamaanka oo dhigaya in baarlamaanka uu shaqeeyo toddoba sano, lagu soo koobo saddex sano.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 550-xubnood, ayay IGAD iyo ururka Midowga Afrika waxay todobaadkan soo jeediyeen in xilliga baarlamaanka la kordhiyo, halka arrimaha xukumadda loo daayo shacabka Soomaaliyeed.

Add New Comment