R/wasaare Saacid oo sheegay in dhawaan la isu furidoono gobolada dalka


SomFedRepPM.jpgRa’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha xiga xoreynta wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo uu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo islamarkaana la isugu xiro wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn iyo in sidoo kale la furo wadada isku xirta Kismaayo iyo Muqdisho.

R/wasaare Saacid oo wareeysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ciidamada XDS ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen howlgallada ay kula wareegeen degmada Buurhakaba, isagoo hoosta ka xariiqay in ay furantahay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Beydhabo.

‘’Waxaan rabaa inaan gaarsiiyo hambalyo iyo boqaadin dhamaan ciidamada qalabka sida oo taakuleyn ka helaya ciidamada AMISOM oo ku guuleeystay si fudud iney u gaaraan magaalada Buurhakabo una furaan wadada muhiimka ah ee isku xirta Xamar ilaa Buurhakaba dhinaca kalena inta ka soo dhaqaaqay Beydhabo si fudud u yimid Buurhakaba, caawa waxaan u sheegayaa ummadda Soomaaliyeed in gaariga ka taga Xamar uu toos u tegi karo Baydhabo’’ ayuu yiri R/wasaare Saacid.

R/wasaara Saacid ayaa daboolka ka qaaday in qorshaha xiga uu yahay sidii dib loogu furi lahaa wadada xiriirisa Jowhar ilaa Beledweyne iyadoo kadibna la isu furidoono dhamaan gobolada dalkoo dhan si awooda dowlada loogu baahiyo dalka.

sidoo kale R/wasaaraha dalka ayaa carabka ku adkeeyay in qorshaha xukuumadu uu tahay sidii argagixisada looga ciribtirilahaa dalka oo dhan, islamarkaana awooda dowlada loogu baahinlahaa dalka, wuxuuna ku celceliyay sida ay dowlada uga go’antahay sidii dalka looga dhigi lahaa meel ka caagan argagixisada Shabaab loona soo celinlahaa nidaamkii iyo kaladambeyntii dowladnimada.


Add New Comment