Ra’isul wasaare Saacid oo soo kormeeray xarunta taliska Booliska Soomaaliyeed


Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo kormeeray xarunta taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ee Kumaando Boliisiya, iyadoona ra’isul wasaaraha iyo xubnihii la socday ay booqdeen dhamaan xafiisyada ay ka koobantahay xaruntaasi.

Ra’isul wasaare saacid ayaa waxa kormeerkiisa ku wehlinayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed, waxaana masuuliyiintani ay sheegeen in booqashadooda ay tahay mid ay doonayaan in ay ku ogaadaan howlaha uu qabto boosliska Soomaaliyeed iyo weliba in ay ku dhiirigeliyaan dadaalladooda.

Ra’isul wasaaraha ayaa markii uu halkaasi gaaray waxaa si diiran usoo dhaweeyay xubno ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale soo dhaweynta ra’isul wasaaraha qeyb ka ahaa kooxda Baambeeyda booliska Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare saacid ayaa gudaha xarunta kula kulmay taliye kuxigeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Mudane Axmed Dayib Dhaga-caleen iyo saraakil ka tirsan ciidamada booliska, kuwaasoo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee ay ku shaqeeyaan ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare saacid ayaa booliska ku amaanay howlaha ay qabtaan, isagoona sheegay in ammaanka Muqdisho uu imiku yahay mid aad u wanaagsan taasoo uu sheegay in kaalinta ugu muhiimsan ay ka qaateen ciidamada booliska.

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay howlaha ay hayaan ciidamada Booliska, isagoona ku booriyay in a ay sii wadaan dadaalladooda ku aadan sare u qaadidda nabadgelyada dalka. Wuxuuna sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay dhawaan dejisay qorshe afarta sano ee soo socota uu ku shaqeyn doono booliska.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore shaaca uga qaaday in mudnaanta koobaad ay siin doonto dhanka ammaanka, waxaana ra’isul wasaaraha xukuumaddu uu inta badan kulamo la qaataa saraakiisha ugu sareeysa ciidamada kala duwan ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo looga gun leeyahay sare u qaadidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Daawo sawirrada

Kormeer Booliska.jpg


Add New Comment