Wafdi ka socda DF oo gaaray Kismaayo


Wafdi ka socda dowladda federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu soo warramayaa in ay maanta gaareen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Wafdiga waxaa kaloo qeyb ka ah wasiirro iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Inkastoo aysan xubnaha wafdiga ka hadlin ujeeddada safarkooda Kismaayo haddana wararka ayaa sheegaya in ay la xiriirto xal ka gaaridda dagaalkii Sabtidii magaalada ku dhex maray ciidamada maamulka dhexdooda iyo wada-tashiyo ku aaddan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

Waxaa la filayaa in ay la kulmaan madaxda maamulka KMG ah iyo saraakiisha hoggaamineysa ciidanka AMISOM ee Kismaayo jooga.

Socdaalka wafdigan ayaa ku soo beegmay xilli xukuumadda Soomaaliya ay ku casuumtay guddiyada maamul u sameynta Jubbooyinka in ay ka soo qeyb-galaan shir wada-tashi oo maalinta berri ah lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho.


Add New Comment