Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, safiirka dalka Britain ee Soomaaliya Matt Baugh iyo diblumaasiyiin ka socday safaaradda Faransiiska ee Kenya oo booqasho gaaban kusoo gaaray Muqdisho.
Mudane Saacid oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlayey ayaa sheegay in asaga iyo mas'uuliyiintii uu la kulmay ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkooda iyo sidii loo sii xoojin lahaa isbeddellada cusub ee ka jira Soomaaliya.
Danjiraha Midowga Yurub Mr. Michele ayaa isagana dhankiisa sheegay in ra'iisul-wasaaraha ay isla soo qaadeen sidii xukuumadda Soomaaliya ay u xoojin lahayd amniga dalka iyo howlaha la xiriira horumarinta siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.
Safiirka dalka Britain ee Soomaaliya Matt Baugh oo ugu dambeyntii hadalka qaatay ayaa asagana si cad u sheegay in xukuumadda dalkiisu ay ka go'an tahay in ay taageerto Soomaaliya ilaa ay cagaheeda isku taagto iyo xukuumadda Soomaaliya xoojiso nidaamka caddaaladda dalka.
Madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe aad ugu mashquulsan qaabilaadda wufuud caalami ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho, taasoo uu ra'iisul-wasaare Saacid uu dhowaan ku micneeyey inay caddeyn u tahay nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.
Daawo sawirrada