Golaha wasiirrada oo xalay kulan deg-deg ah yeeshay


Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xalay shir aan caadi ahayn ku yeesheen xafiiska rai''sul-wasaaraha, shirkaasoo ay kaga arrinsadeen xaaladaha amni ee guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayey ra'iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa layskula lafa guray arrimo badan oo ay ugu muhiimsanayd xaaladda ammaan ee dalka iyo weerarkii lagu soo qaaday xarunta madaxtooyada jamhuuriyadda ee Villa Somalia.

Kaddib markii uu shirku soo dhammaaday ayaa waxa warbaahinta la hadlay wasiirka gaashaandhigga mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay in shirka loogaga hadlay saddex qodob oo kala ahaa :-

Markii uu shirka dhammaatay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka gaashandhigga xukuumada,Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, wuxuuna sheegay in shirka looga hadlay qodob oo muhiim u haa xaaladaha ka jira dalka.

Qodobbada kasoo baxay shirka golaha wasiirrada ayaa sidan kala ah
  

1 - Waxaa la magacaabay guddi heer wasiir ah oo loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan falkii shalay lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya. Gudigaasi oo loo qabtay in ay 5 maalin guduhood ku soo bandhigaan faah faahin la xiriirta sida ay wax u dhaceen, kadibna ay usoo bandhigaan Shacabka Soomaaliyeed.

2 - Waxaa goluhu uu faray Wasaaradaha Amniga Qaranka, Gaashaandhigga iyo hay’adaha hoos yimaada in ay jawaab dag dag ah ka bixiyaan weerarada argagixisadu ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

3 - Waxaa xukuumaddu ay go’aan ku gaartay qorshe ballaaran oo lagu howl-galinayo dhamaan qaybaha bulshada, maamulada degmooyinka, gobolada iyo hay’adaha amniga heerarkooda kala duwan. Waxaa howlgelintani ay bilaabanaysaa barrito oo taariikhdu ay ku beegantahay 23/2/2014.

 
Shirkan ayaa yimid kaddib weerarkii lala beegsaday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia maalinimadii Jimcaha, kaasoo lama filaan ku noqday madaxda dowladda federaalka iyo dadweynaha Soomaaliyeedba.



Add New Comment