Nicholas Kay oo cambaareeyey weerarkii Madaxtooyada Soomaaliya


Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Mr. Kay ayaa weerarkaasi ku tilmaamay in uu ahaa mid aad u foolxun oo laga xumaado, loogana gol lahaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, asagoona isla mar ahaantaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday. 

"Shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen xabad, isqarxin iyo dilal, waa waqtigii weji cusub ay geli lahayd taariikhda Soomaaliya, mana ogolaan doonno in dib loo laabto xilligan adag," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay, isagoo sidoo kale amaan u jeediyay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay si xirfadeeysan uga hortageen weerarkii maanta.

Masuulkan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku ay sii wadi doonaan taageeradooda ku aadan dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto inay hesho nabad iyo xasilooni.

Weerar culus oo ay masuuliyadiisu sheegatay xarakada  Al-shabaab oo maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sababay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaaray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwii ilaalada ka hayay xarunta madaxtooyada, iyadoo sidoo kale la sheegay in ay goobta ku naf waayeen kooxihii weerarka soo qaaday.


Add New Comment