Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada (Villa somalia) ee magaalada Muqdisho, kuna tilmaamay in uu ahaa mid fuleynimo ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday, kuwii ku dhaawacmeyna Alle uga baryey caafimaad deg deg ah. Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay Dadweynaha iyo Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Horumarka jecel in ay iska kaashadaan la dagaalanka cadowga Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa khadka Teleefonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo si gaar ah uga tacsiyeeyey dhibtii maanta loo geystay shaqaalihii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkan fuleynimada ah.
“Soomaaliya waxaa deeqda Nabad ku timaadda wada hadal iyo kalsami. Colaad, iyo argagaxisanimo waxay horseed ka yihiin dhibaatada oo waarta’’ ayuu yiri Dr C/weli Gaas
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaaa tilmaamay inuu aad uga xun yahay falkan waxashnimada ah ee ay ka dambeeyaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.