Ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda federaalka ah ee
Soomaaliya marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dalka dib ugu soo labatay kadib markii ay ka soo qeyb
gashay shirkii golaha Amaanka ay ku yesheen dalka Mareykanka.
Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka
diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda
Soomaaliya.
Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo magaalada Washiton DC uga soo qeyb gashay
shirkii ay yesheen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa saxaafadda ugu
warbixisay waxyabihii looga hadlay shirkii ka dhacay dalka Mareykanka.
Waxa ayna sheegtay in kulanka looga hadlay arimo badan oo quseeyo Soomaaliya
sida in dib cunaqabateynta hubka laga qaado dalka, in la dhiso ciidamada badda
si ay xeebaha dalkeena uga uga ilaaliyaan burcad badeeda iyo beylahda, dhismaha
ciidan milatari iyo in dib u eegis lagu sameeyo howlgalka milatari oo ay wadaan
ciidamada midowga africa ee AMISOM.
Shirkii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ka soo qeyb gashay
wasiiradda arrimaha dibada oo ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah dalkeena ayna
ka mid tahay qaadista cunaqabatenta hubka ayaa hadii ay suurta gashay waxa ay
wax weyn ka badali doonto awooda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyadoona
dowladda Mareykankane ay horay u sheegtay in ay taageereyso in Soomaaliya laga
qaado cunaqabatenta.